Ciidamada maamulka Jubbaland oo dib u la wareegay degmada Buulo-guduud

Ciidamada maamulka Jubbaland oo dib u la wareegay degmada Buulo-guduud. [Sawirka: Archive]
Ciidamada maamulka Jubbaland oo dib u la wareegay degmada Buulo-guduud. [Sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada maamulka Jubbaland oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya ee hoostaga howlagalka AMISOM ayaa dib u la wareegay degmada Buulo-guduud maanta oo Sabti ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Kahor inta aysan ciidamada is-garabsanaya gudaha u galin degmada, labada dhinac ayaa ku dagaalamay duleedka Buulo-guduud, sida ay wararku sheegayaan.

Buulo-guduud ayaa ah degmo yar oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyiga kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiraan warar madax-banaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.

Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray magaalada Kismaayo bartamihii 2012-kii balse wali waxay ku suganyihiin meelo badan oo kuyaala gobolada Jubbooyinka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*