Soomaaliya oo amar ku bixisay in wakiilka QM uu dalka ka tago

Nicholas Haysom, wakiilka QM ee Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee jooga dalka uu tago, iyada oo ku eedaysay in uu farogeliyay madaxbanaanida dalka.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada gelinkii dambe ee Talaadada ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, aan loo baahnayn uuna ka shaqayn karin dalka gudihiisa, taasoo si buuxda u muujinaysa in dalka laga mamnuucay.

“Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku habboonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareerna ah u fara geliyay madaxbanaanida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ma jirto wax jawaab deg-deg ah oo kasoo baxday howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qaramada Middoobay ayaa ah caawiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, taasoo isku dayaysa in ay kasoo kabato dagaalkii sokeeye ee burburshay sanadkii 1991, markii jabhado ay xukunka ka tuureen xukuumadii milatariga ahayad ee Maxamed Siyaad Bare.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii Haysom uu waraaq ku taariikhaysnayd 30-ka December u diray wasiirka amniga taasoo walaac ka muujinaysa ku lug lahaanshihii eedayntii loo jeediyay ciidamada ammaanka oo Qaramada Midoobay taageerto ee xarigii Mukhtaar Roobow 13-kii December, oo ay ku dhinteen 13 qof oo rayid ah rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo.

Roobow, oo kamid ahaan jiray hoggaamiyaasha Al-Shabaab ayaa sanadkii hore ka tagay, waxaana uu u taagnaa madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed markii la xiray.

Xiritaankiisa ayaa waxaa ka dhashay isku dhacyo u dhaxeeyay maleeshiyaad daacad u ah Roobow iyo ciidamada Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya, kuwaasoo katirsan howlgalka AMISOM ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa.

Waraaqda Haysom ayaa sidoo lagu weydiiyay wasiirka in uu sharaxaad ka bixiyo qaabka sharaciga ah ee loo cuskaday xariga Roobow. Waxa sidoo kale la weydiiyay in wax tilaabo ah la qaaaday si loo baaro dhacdooyinka dhimashada keenay intii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Baydhabo. Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ogaatay in intooda badan dadka la xiray ahaayeen caruur.

Waraaqda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa la socotay waraaq ka timid Mdowga Yurub, Jarmalka, iyo Britain oo ay ku sheegeen in ay joojiyeen taageeradii ciidamada booliiska maamulka Koonfur Galbeed sababo la xiriira tilaabadoodii doorashadii bisihii dhaweyd.

Haysom oo kasoo jeeda Koonfur Afrika ayaa bishii September sanadkii lasoo dhaafay 2018 loo doortay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*