Dumarka oo walaac ka muujiyay kadib markii ay hal xubin ka heleen baarlamaanka Puntland

Nimco Cabdi Caarshe oo kasoo jeeda gobolka Sool waa haweenayda keliya ee ku jirta baarlamaanka cusub ee Puntland. [Isha Sawirka: Twitter]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ayaa us soo baxay warbaahinta bulshada kadib sii deyntii xildhibanada cusub ee Puntland ee la soo doortay.

Dumarka ayaa ka xanaaqay markii hal xubin ay ka heleen baarlamaanka cusub.

Nimco Cabdi Caarshe oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa noqotay magaca dumar ah oo keliya ee kasoo dhex muuqday baarlamaanka cusub ee dowladda Puntland.

Labo keliya ayaa haween ka ahaa baarlamaankii hore.

Shan kursi oo dhammaan gobolada ka socda ayaa loo qoondeeyay dumarka markii la asaasayay Puntland sanadkii 1998, balse tirada ayaa hoos u socotay tan iyo markaas.

Xubnaha baarlamaanka ayaa waxa doorta odayaasha dhaqanka kuwaasoo aan matalaad siyaasadeed oo badan aan siin dumarka.

Waa kuwaan dumarkii muujiyay walacooda:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*