Puntland oo isku diyaarinaysa soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Calamada Soomaaliya iyo Puntland oo suran wadada weyn ee Garoowe si loogu maamuuso imaanshaha madaxweynaha. [Xigashada Sawirka: Facebook/jamafarah]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa isku diyaarinaysa soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayay qorsheysantahay in uu Axada ku yimaado Puntland safarkiisii ugu horeeyay tan iyo makii uu noqday madaxwenaha Soomaaliya bishii Febaraayo ee sanadkii hore.

Caasimada, Garoowe, calamada Soomaaliya iyo Puntland ayaa suran wadada weyn si loogu maamuuso imaanshaha madaxweynaha.

Puntland ayaa ciidamo geyn doonta gudaha magaalada Garoowe si loo adkeeyo ammaanka, sida ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo ciidanka katirsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgali doona furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoowe iyo dabaaldega sanadguuradda afraad ee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*