Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay in ay dib u soo celiyaan xiriirka diblomaasiyadeed

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (Midig) Uhuru Kenyatta (Dhexda) Abiy Ahmed (Bidix). [Isha Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Kadib wadahadalo uu hormuud ka ahaa Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed.

“Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.” Ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya manta oo Arbaco ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Raysulwasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.” Ayaa lagu sii daray.

Raysulwasaaraha Itoobiya oo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay fiidkii tagay magaalada Nairobi halkaas oo ay kulan kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya si loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Bishii lasoo dhaafay, Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ka carootay go’aan ay dowladda Soomaaliya ku iibinaysay xirmooyin shidaal oo kuyaala xeebta labada dal ay ku muransanyihiin ee Badweynta Hindiya.

Dacwada ku saabsan muranka xeebta ee ka dhaxeysa labada dal ayaa hadda waxaa qaadaysa Maxkamada Adduunka ee ICJ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*