Raysulwasaaraha Itoobiya oo dhex-dhexaadinaya Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaaraha Itoobiya. [Isha Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu sheegay bayaan kooban oo lagu qoray bogga Twitter-ka ee xafiiska Raysulwasaaraha Itoobiya.

Raysulwasaaraha Itoobiya oo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay fiidkii tagay magaalada Nairobi halkaas oo ay kulan kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya si loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Talaadadii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isaga oo kulan la yeeshay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Bishii lasoo dhaafay, Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ka carootay go’aan ay dowladda Soomaaliya ku iibinaysay xirmooyin shidaal oo kuyaala xeebta labada dal ay ku muransanyihiin ee Badweynta Hindiya.

Dacwada ku saabsan muranka xeebta ee ka dhaxeysa labada dal ayaa hadda waxaa qaadaysa Maxkamada Adduunka ee ICJ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*