Taliyihii hore ee PIA oo loo magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Puntland

Cabdi Xasan Xuseen. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah Cabdi Xasan Xuseen u magacaabay taliyaha ciidanka booliiska, isaga oo badali doona Janaraal Muxyadiin Axmed Muuse.

Cabdi Xasan Xuseen oo loo yaqaan Cabdiyare ayaa soo noqday taliyaha ciidamada sirdoonka Puntland ee PIA.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo xil ka qaadis ku sameeyay ku xigeenada booliiska, waxaana uu Bile Faarax Cali u magacaabay taliye ku xigeenka kowaad, halka Axmed Maxamuud Cali uu u magacaabay taliye ku xigeenka saddexaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*