Shirkada DP World oo sheegtay in uu socdo baaritaan ku saabsan dilka madaxii dekada Boosaaso

Paul Anthony Formosa. [Sawir Hore]
Dubai-(Puntland Mirror) Shirkada DP World ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan ku saabsan dilka madaxii dekada Boosaaso.

“Arrimaha dhacdada waxaa hadda baaraya P&O Ports iyo haayadaha Puntland,” shirkada ayaa sidaas ku tiri qoraal ay soo dhigtay bogga Twitter-ka.

“Iyado oo ay hadda socoto baaritaan, P&O Ports ma ay samayn doonto wax jawaab ah oo dheeri ah ilaa dhabta ku hareeraysan dhacdada la ogaado.” Ayay ku sii sheegtay qoraalkeeda.

Dhanka Puntland, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraai’d qabtay saacado yar kadib dilka ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan, waxaana uu xusay in tilaabo adag laga qaadi doono cid walba oo ku lug yeelata arrinta.

Paul Anthony Formosa, oo u dhashay jasiiradda Malta, ayaa waxaa toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo baastoolad ku hubeysan meel dekada u dhow shalay oo Isniin ahayd.

Ku xigeenkiisii iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Sidoo kale ninkii dilka ka dambeeyay oo dhaawac lagu qabtay ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka magaalada Boosaaso.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas.

Wuxuu maamulayay dekeda tan iyo dabayaaqadii 2017, markii P&O Ports oo ay leedahay DP World ay heshiis la saxiixatay dowladda Puntland si ay u horumariso una maamusho dekeda.

Sida ay ku warameen warbaahinta Malta, Paul ayaa kasoo shaqeeyay dekada Lattakia ee dalka Suuriya kahor inta uusan imaan magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

Waxa uu ka tagay labo gabdhood iyo xaas, sida ay sheegeen warbaahinta Malta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*