Maleeshiyada ISIS oo sheegatay masuuliyada dilka saddex qof oo Itoobiyaan ah oo ka dhacay Boosaaso

Magaalada Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay masuuliyada dilka dad Itoobiyaan ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Bayaan ay baahisay warbaahinta ISIS ee Acmaaq, ayay ku sheegtay in dagaalyahanada maleeshiyadu ay toogteen saddex qof oo Itoobiyaan ah fiidnimadii Isniinta gudaha magaalada Boosaaso.

Waxa uu noqonayaa weerarkii kowaad oo ay ISIS qaado oo ka dhan ah dadka ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha Puntland.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, sargaal katirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa lagu dilay Boosaaso, waxaana masuuliyada sheegatay ISIS.

Maleeshiyada ISIS ayaa kacdoonkeeda gudaha Puntland bilowday dabayaaqadii sanadkii 2015-kii kadib markii ay ka goosatay garabka Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*