Wasaaradda batroolka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo bandhigi doonto macluumaadka shidaalka 15 xirmood oo badda ah

Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed. [Xigashada Sawirka: Bloomberg]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonto macluumaadka shidaalka xirmooyin badda ah.

Wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed oo maanta wareysi siiyay idaacada BBC qeybta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in bisha December ee sanadkan 2019 magaalada Houston ee dalka Mareykanka ay ku soo bandhigi doonaan macluumaadka laga hayo meelaha laga sameeyay baarista.

15 meelood oo kuyaala xeebta u dhaxaysa Kismaayo iyo Hobyo ayaa laga hayaa macluumaadka, sida uu sheegay wasiirku, waxaana uu intaas ku daray in inta kale ee dhiman baaris lagu samayn doono dhawaan.

Goobaha 15-ka ah barista lagu sameeyay ee la soo bandhigayo ayaa lagu qiyaasayaa in ay ku jiri karaan 30 bilyan oo barmiil oo shidaal ah, sida uu sheegay wasiir Cabdirashiid.

Sharciga shidaalka dalka ayaa golaha aqalka hoose meelmariyeen waxaana uu hadda horyaala aqalka sare kadib marka uu ka gudbo ayaa madaxweynuhu saxiixi doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*