Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday

Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday. [Xigashada Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday. [Xigashada Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo noqday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, isaga oo ka soo laabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka Bari, masuuliyiinta degmada Boosaaso iyo saraakiil kale oo katirsan haaydaha dowladda.

Cabdiweli ayaa wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaana uu yiri: “Waxaan ka soo qaybgalnay munaasabaddii caleemosaarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay in aan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Raysulwasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in Ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanahay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano.”

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*