Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika oo sheegay in duqeymaha Mareykanka aysan joojin doonin Al-Shabaab

Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas Waldhauser. [Sawirka: AFP]
Washington-(Puntland Mirror) Howlgalka cirka ee milatariga Mareykanka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya ma joojin doono xagjiriinta, sargaal sare oo Mareykan ah ayaa Khamiistii sidaas sheegay isaga oo ugu baaqay in dalka Soomaaliya ciidamadiisu ay masuuliyad badan iska saaraan dagaalka.

Pentagon-ka ayaa wada howlgal socda kaasoo ciidamada Mareykanka ay la shaqeeyaan Midowga Afrika iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay ula diriraan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

“Marka ugu dambeysa, duqeymahaan maahan kuwo ka adkaan kara Al-Shabaab,” madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas Waldhauser ayaa sidaa u sheegay Guddiga Aqalka Senate Mareykanka u qaabilsan ciidamada.

“Heerka ugu hooseeya waa ciidaamada Soomaaliya in ay u baahanyihiin horumarin, waxay u baahanyihiin in ay kor u kacaan waxay u baahanyihiin in ay qaadaan masuuliyada ammaankooda,” ayuu ku sii daray.

Tan iyo horaantii 2017, Mareykanka ayaa kordhiyay tirada duqeymaha ay qaadayeen, iyagoo 35 qaaday sanadkaas, 47 sanadkii 2018 iyo qiyaas ahaan 12 sanadkan, Waldhauser ayaa sidaas sheegay.

Waxa uu ku daray in duqeymaha Mareykanka ay siinayeen fursado ay ku horumaraan ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa banaanka uga saaray Al-Shabaab caasimada Muqdisho sanadkii 2011, iyo magaalooyin kale oo kuyaala koonfurta Soomaaliya.

Balse Al-Shabab ayaa weli xoog ku heysata dhul balaaran.

Waxay weeraro joogto ah ku qaadaan dowladda, ciidamada iyo bartilmaameedyo shacab oo kuyaala Muqdisho iyo si lamid ah weeraro gaadmo ah oo ka dhan ah ciidamada kolonyada ah iyo saldhigyada.

Hal duqeyn oo bishii lasoo dhaafay dhacday, Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay in ay ku dileen 52 maleeshiyo Al-Shabaab ah.

Bishii December, milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 62 maleeshiyo Al-Shabaab ah ay ku dileen lix duqeymood oo ka dhacay Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*