Puntland oo munaasabad sagootin ah u qabatay shaqaalihii saarnaa markabkii ganacsi oo dhawaan ay sii daayeen burcadbadeedii afduubatay

Puntland oo munaasabad sagootin ah u qabatay shaqaalihii saarnaa markabkii ganacsi oo dhawaan ay sii daayeen burcadbadeedii afduubatay. [Xigashada Sawirka: SBC TV]
Puntland oo munaasabad sagootin ah u qabatay shaqaalihii saarnaa markabkii ganacsi oo dhawaan ay sii daayeen burcadbadeedii afduubatay. [Xigashada Sawirka: SBC TV]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah munaasabad sagootin ah u qabatay shaqaalihii saarnaa markabkii ganacsi ee dhawaan ay afduubteen burcadbadeed Soomaali ah.

Munaasabada oo lagu qabtay xeebta magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Puntland.

Camay ayaa u mahadceshay cid walba oo ka qaybqaadatay sii daynta markabka, gaar ahaan ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Markabka oo ahaa nooca saliida qaada, oo magaciisa la dhaho Aris 13 oo ay saarnaayeen sideed shaqaale ah oo u dhashay wadanka Sri Lanka, ayaa muddo shan beri ah afduub ahaan ugu jirey gacanta baurcadbadeeda Soomaalida.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa gelinkii dambe ee Khamiista lasoo dhaafay sii daayay markabka saliida qaada kadib markii ay afduubteen asbuucii lasoo dhaafay, waxa uu siday shidaal uu ka keenay Jabuuti waxaana uu u socday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay ku afduubteen burcadbadeedu biyaha Badweynta Hindiya asbuucii lasoo dhaafay.

Sii daynta ayaa timid kadib wadaxaajood dhexmartay odayaasha dhaqanka iyo wakiilo katirsan burcadbadeeda, kuwaasoo Isniintii lasoo dhaafay qabsaday markabka saliida qaada, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*