Turkiga oo xiray kaaliyaha Fethullah Gulen

Fethullah Gulen
Fethullah Gulen. Sawirka: gettyimages.

Ankara-(Puntland Mirror) Haayadaha amaanka Turkiga ayaa xiray maanta oo Axad ah kaaliye muhiim ah oo uu leeyahay wadaadka Fethullah Gulen oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka kaasoo ay dowlada Turkiga ku eedaysay isku-daygii afgembigii militari ee fashilmay.

Halis Hanci oo ah lagu sheegay inuu yahay gacanta midig ee Fethullah Gulen, ayaa la hubaa inuu dalka Turkiga soo galay kahor labo maalmood inta uusan dhicin afgembigii fashilmay, sida sarkaal madaxtooyada ah uu u sheegay saxaafada.

Sidoo kale galenkii hore shalay oo Sabti ahayd, haayadaha amaanka Turkiga ayaa xiray wiil uu adeer u yahay wadaadka Fethullah Gulen kaasoo lala xiriirinayo isku-dayga afgembiga, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Muhammed Sait Gulen ayaa lagu xiray magaalada Erzurum oo ku taala waqooyiga-bari, waxaana loo soo wareejin doonaa caasimada Ankara si su’aalo loo weeydiiyo.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*