Soomaaliya oo Turkiga ka heshay $ 1 bilyan oo kharash gargaar ah tan iyo sanadkii 2011-kii

Raysulwasaare ku xigeenka Turkiga, Mehmet Simsek . [Sawirka: Archive]
Raysulwasaare ku xigeenka Turkiga, Mehmet Simsek . [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror)  Raysulwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in Turkigu uu Soomaaliya u diray ilaa iyo $ 1 bilyan oo kharash gargaar ah tan iyo sanadkii 2011-kii taasoo qayb ka ah istiraatiijiyada Turkiga uga degsan Soomaaliya, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Isaga oo ka hadlayay shirka wasiiradda maaliyada iyo guddoomiyaasha bangiyada dhexe ee G20 oo ka dhacay magaalada dhanka galbeed ee Jarmalka kutaal ee Baden-Baden, Mehmet Simsek ayaa sheegay in Turkiga uu deeqdaas siiyay dalka kuyaala Geeska Afrika.

Mehmet Simsek ayaa sheegay in ajandayaashooda ugu weyn ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ay la leeyihiin wadamada Afrika isagoo sheegay in sababtu tahay in 100-sanno ee soo socda ay tahay sanadadii Afrika.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhistay safaarada ugu weyn ee uu caalamka ku leeyahay.

Sidoo kale dhawaan ayaa la filayaa in Turkiga uu xariga ka jaro saldhig milatari oo uu ku leeyahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, saldhigaas ayaa noqon doona kan ugu weyn oo Turkiga ku leeyahay dal ajnabi ah.

Turkiga ayaa shanti sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu deeqay caawimaad milatari, taageero waxbarasho, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarida xirfadaha.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*