Safaarada Turkiga Muqdisho oo la wareegaysa shaqadii haayada Nile Academy oo dalka laga saaray

Turkish-Embassy-in-Mogadishu
Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex iskuul iyo isbitaal ay lahayd haayada Nile Academy oo lala xiriiriyo wadaadka Fethullah Gulen ayaa waxaa shaqadooda la wareegtay safaarada Turkiga ee ku taala magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareed diblomaasi.

Warkan ayaa yimid kadib markii dowlada Soomaaliya ay sheegtay 15-kii bishan July in ay taageersantahay dowlada Madaxweyne Erdogan kadib isku-daygii inqilaabkii fashilmay ee dhacay 15-kii July kaasoo ay dowlada Turkiga ku eedaysay in ay soo agaasimeen koox taageersan wadaadka Fethullah.

Dowlada Soomaaliya ayaa iclaamisay 16-kii bishan July in ay dalka ka mamnuucday howlaha haayada Nile Academy ay ka haysay gudaha Muqdisho, kadib codsi uga yimid xukuumada Ankara.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la samaynayo guddi cusub kaasoo la shaqayn doona Turkiga si loo sii wado howlaha waxbarasho ee iskuulada.

Xukuumada Muqdisho ayaa siisay haayada Nile Academy in ay dalka uga baxdo muddo hal asbuuc guddahood ah, kaasoo ku egaa maalintii Sabtida.

Haayada Nile ayaa gacanta ku haysay dugsi hoose oo gabdhood, dugsi sare oo gabdhood, dugsi sare, iyo isbitaal kuwaasoo hadda ay shaqadooda hoostagi doonaan safaarada Turkiga ku leeyahay Muqdisho, sida ay sheegeen il-wareed.

Kadib markii dowlada Soomaaliya qaadatay go’aanka ah in dalka ay ka baxdo haayadaas, 40 kamid ah shaqaalaha iyo qoysaskoodii ayaa bilaabay in ay dalka ka tagaan.

Sida ay sheegayaan wararka, isbitaalkii ay maamuli jirtay haayada Nile Academy ayaa xirmaya waxaana hantideedii ay uga tagtay xarunta cilmibaarista isbitaalada ee Soomaaliya-Turkiga.

Sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xarunta madaxtooyada dalka Turkiga oo lagu daabacay wargeyska official gazette maalintii Sabtida, dowlada Turkiga ayaa shaqada ka joojisay in ka badan 2,000 oo haayadood oo lala xiriirinayo wadaadka Gulen.

Isku-daygii afgembiga dhicisoobay oo dalka Turkiga ka dhacay 15-kii bishaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 246 qof, sida ay sheegtay xukuumada Ankara.

Xukuumada Ankara oo Erdogan hoggaaminayo ayaa isku-daykaas afgembi ku eedaysay wadaadka ku maqan masaafuriska oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ee Fetullah Gulen.

Gulen ayaa lagu eedeeyay inuu muddo ka shaqaynayay afgembi lagu sameeyo dowlada isagoo taageerayaal badan ka samaystay haayadaha dowliga ah, gaar ahaan militariga, booliiska, garsoorka, isagoo u samaystay qaab lagu tilmaami karo “Dowlad bar-bar socod ah”.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*