Madaxweynaha Puntland oo u duulay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka tagay magaalada Garoowe wuxuuna aaday magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirka madasha qaran ee Soomaaliya.

Waxaa madaxweynaha safarka kala qaybgalay saraakiil dowladiisa katirsan oo ay kamid yihiin wasiiro iyo xildhibaano.

Shirka madasha qaran oo u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida ayaa la filayaa inuu galabta furmo, sida ay sheegayaan wararka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna sidoo kale gaaray magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*