Dowladda Soomaaliya oo ugu yaraan 40 askari u xirtay weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid

Sawirka: Ciidamo katirsan doowladda Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay ugu yaraan 40 askari oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday guriga senator Cabdi Cawaale Qeybdiid, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee SONNA.

Labo sargaal oo lala xiriirinayo weerarka ayaa sidoo kale la xiray, sida ay baahisay SONNA.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa amray taliyaha ciidamada in uu baaritaan deg deg ah ku sameeyo weerarkii ka dhanka ahaa guriga senator Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Duhurnimadii maanta oo Sabti ah ayaa ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen guriga Cabdi Qeybdiid, lama oga sababta ka dambeysa weerarkaas ilaa iyo hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*