Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo mudeeyay in 19-ka Agoosto ay dhici doonto doorashada madaxweynaha

Guddiga doorashooyinka Jubbaland. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah soo saaray jadwalka doorashooyinka madaxweynaha.

19-ka bishaan Agoosto ayay dhici doontaa doorashada madaxweynaha Jubbaland, sida uu muujinayo jadwalka ay sii daayeen guddiga doorashooyinka.

Talaadadii, xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland ayaa la dhaariyay waxayna guddoomiye kumeelgaar ah u doorteen Shiikh Cabdi Yuusuf Cali oo ah qofka ugu da’a weyn.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa la qaban doonaa 17-ka Agoosto, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinku.

Madaxweynaha xafiiska jooga Axmed Maxamed islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe iyo musharixiin kale ayaa ku loolamaya doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*