Erdogan oo dalalka Muslimiinta ah ugu yeeray in ay midoobaan

erdogan
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay oo Axad ahayd ka codsaday dalalka Islaamka in ay midoobaan ayna mid walba oo kamid ah muujiyo midnimo iyo isku xirnaansho.

Wareysi uu siiyay taleefishinka Rotana oo fadhigiisu yahay dalka Sucuudi Caraabiya, ayaa Erdogan ku sheegay in xaqiraada horumarka ay ka dhalatay iska horjeedka caalamka Islaamka.

“Turkiga iyo Sucuudiga ayaa bartilmaameed ah. Waxaanu aragnaa in dhamaan khataraha iyo qorshayaasha ay yihiin kuwo tilmaam ku ah iska soo horjeedka caalamka Islaamka,” ayuu yiri.

Ugu yaraan 600,000 oo qof ayaa lagu dilay dalka Suuriya dagaalada socda awgeed, caalamka Islaamka waa in ay si dhow isaga kaashadaan kahor inta aysan aad u soo daahin, ayuu yiri Erdogan.

Turkiga iyo Maraykanka ayaa howlgal ku qaaday gudaha waqooyiga Suuriya dhamaadkii bishii Agoosto si ay uga sifeeyaan halkaas canaasiirta Daacish. Ankara ma doonayso qaab guumaysi oo Suuriya ku wajahan, Erdogan ayaa sidaa sheegay isaga oo tilmaamay in dalkiisa uu martigeliyay ku dhawaad 3 milyan oo qaxooti reer Suuriya ah oo ay ku baxeen dhaqaale gaaraya $12.6 bilyan sababtoo ah waa waajibaad Islaami ah, ayuu xusay Erdogan.

Haddaynu eegno waxyaabihii ugu dambeeyay ee Washington kasoo cusboonaaday, Maraykanka ayaa asbuucii hore meel mariyay sharci u ogolaanaya dadkii ku waxyeeloobay weeraradii argagixiso ee 11 September, 2001, in ay dacweeyaan dalalka ajnabiga ah oo loo malaynayo masuuliyada in ay wax ku leeyihiin, Erdogan ayaa walaac ka muujiyay isaga oo ku biiray saraakiisha Sucuudiga oo ka xanaaqay sharcigaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*