Pakistan oo dhulka soo dhigtay labo diyaaradood oo Hindiya leedahay

Diyaaradaha dagaalka Hindiya. [Sawir Hore]
Islamabad-(Puntland Mirror) Diyaaradaha dagaalka Pakistan ayaa dhulka soo dhigay labo diyaaradood oo Hindiya leedahay manta oo Arbaco ah, sida uu sheegay afhayeen ciidamada katirsan.

“Diyaaradaha ciidanka cirka Pakistan ayaa soo riday labo diyaaradood oo Hindiya leedahay oo soo galay hawada Pakistan,” sidaa waxaa yiri Asif Ghafoor, oo ah afhayeen katirsan ciidamada Pakistan.

“Mid kamid ah diyaaradda ayaa ku dhacday gudaha Kashmir ee dhanka Pakistan, halka mida kalena ay ku burburtay dhanka kale ee Kashmir oo Hindiya maamusho, duuliye Hindi ah ayaa la qabtay oo la xiray,” ayuu ku sii daray.

Wararkan ayaa imaanaya maalin kadib markii diyaaradaha ciidanka cirka Hindiya ay duqeeyeen xero tababar oo koox argagixiso ah ku leeyihiin gudaha dalka Pakistan.

Labaduba Pakistan iyo Hindiya ayaa sheegta dhammaan gobolka Kashmir, balse waxay maamulaan qeyb kamid ah gobolkaas.

Labada dal oo heysta huubka wax gumaada ee nukliyeerka ayaa dhowr jeer dagaalo galay tan iyo markii ay xornimada ka heleen Britain sanadkii 1947.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*