Madaxweyne Cabdiweli oo magaalada Bursa ee Turkiga kula kulmay masuuliyiin meeqaam hoose

Bursa
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo dalka Turkiga kula kulmay masuuliyiin meeqaam hoose. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Bursa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan dalka Turkiga ayaa masuuliyiin meeqaam hoose oo kamid ah wasaarada waxbarashada Turkiga kula kulmay magaalada Bursa oo kutaala waqooyiga-bari ee dalka Turkiga.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland, madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay waxaa uu kala hadlay arrimo ay kamidyihiin sii xoojinta xiriirka waxbarashada iyo tababarada shaqaalaha ee Puntland iyo dalka Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay machadka lagu barto farsamada gacanta BUSKEM oo kuyaala magaalada Bursa iyo masjidka EMIR Suldan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la qaatay duqa magaalada Bursa, Recep Altepe, waxaana kulankaas diirada lagu saaray sidii magaaladaas loogu mataanayn lahaa magaalo kamid ah Puntland, sida lagu sheegay bayaanka xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Turkiga oo mashaariic badan ka fuliyay gudaha Soomaaliya, ayaan wax mashaariic ah ka hirgalin deegaanada Puntland, balanqaadyo hore oo Turkiga sheegay in mashaariic ay ka fulinayaan Puntland ayaan wali waxba ka hirgalin.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*