Saddex kamid ah ciidamada Masar oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Siinaay

Siinay
Goobta qaraxa ka dhacay oo kutaala Siinaay. Sawirka: Anadolu.

Qaahiro-(Puntland Mirror) Saddex askari oo kamid ah ciidamada Masar ayaa lagu dilay qarax ka dhacay maanta oo Isniin ah gobolka colaadaha ay ka jiraan ee Siinay, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Qarax ayaa lala eegtay gaari booyad ah oo ay ciidamada militariga lahaayeen kaasoo marayay bartamaha Siinaay, sida ilo wareed ay u sheegeen wakaalada wararka Anadolu.

“Saddex askari ayaa ku dhimatay qaraxa afar kalena waa ay ku dhaawacmeen,” sidaa waxaa Anadolu u sheegay ilo-wareed diiday in magaciisa la sheego.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2013-kii madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Maxamed Mursi, ciidamada amaanka Masar ayaa dagaalo culus kula jiray waxay ugu yeereen kooxo argagixiso oo ku sugan gobolka Siinay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*