Deg Deg: Dhawaaqa madaafiicda oo caawa laga maqlayo gudaha Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaafiic waa weyn ayaa caawa dhawaaqooda laga maqlayaa magaala Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sida aya ilo-wareedyo ku sugan Muqdisho u sheegeen warsidaha Puntland Mirror dhawaaqa madaafiicda ayaa laga maqlayaa meelo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Si rasmiya looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas, iyadoo lagu jiro  xilli habeenimo ah.

Dhacdooyinkan cusub ee caawa ayaa imaanaya iyadoo maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkii ka qaaday madaxii haayada nabadsugida ee NISA, Cabdiraxmaan Tuuryare.

Wixii soo kordha dhaqso ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*