Madaxweynaha Jubbaland oo Garoowe u yimid shir uu la yeelan doono Puntland

Madaxweyne Puntland oo soo dhaweynaya madaxweynaha Jubbaland. Garoowe, August 24, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah yimid magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Garoowe.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu yahay sidii ay Puntland uga wadatashan lahaayeen xaaladihii siyaasadda ee ugu dambeeyay dalka Soomaaliya sida heshiiskii Dhuusamareeb.

Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn heshiiska ka dhacay Dhuusamareeb u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar katirsan maamul goboleedyada.

Shir u dhaxeeya labada dhinac ayaa la filayaa in uu ka furmo Garoowe, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*