Ilhaan Cumar aabaheed oo u geeriyooday coronavirus

Ilhaan Cumar oo la taagan aabaheed iyo afhayeenka Congress-ka Nancy Pelosi. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Aabaha Ilahaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo katirsan Gongress-ka Mareykanka, ayaa xanuunka coronavirus u geeriyooday, sida ay Ilhaan ku sheegtay bayaan habeenimadii Isniinta.

“Waxay ahayd murugo weyn iyo murugo in aan idin la wadaago in aabahay, Nuur Cumar Maxamed, uu u geeriyooday dhibbaato kaga timid COVID-19,” Ilhaan ayaa sidaas ku tiri bayaanka. Waxayna ku sii dartay: “Ma qiyaasi karo waxa uu iiga dhignaa aniga iyo cid walba oo taqiin”.

Ilhaan ayaa waxaa soo barbaarshay aabaheed iyo awowgeed kadib dhimashadii hooyadeed iyadoo ilmo yar ah. Iyada iyo aabaheed ayaa yimid Mareykanka iyaga oo qaxooti ah sanadkii 1995 xilligaas oo dalka Soomaaliya uu ka bilaabmay dagaalkii sokeeye, markii ay Mareykanka yimaadeen waxay dageen Minneapolis.

Ilhaan ayaa iyada iyo Rashida Tlaib waxay sanadkii 2018 noqdeen labadii qof oo haween ah oo Muslim ah oo markii ugu horeysay loo doortay Aqalka Congress-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*