Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaalada lidka maraakiibta

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaalada lidka maraakiibta. [Sawirka: Archive]
Pyongyang-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa dhanka bariga ee badeeda ku tijaabisay dhowr gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah, sida ay sheegeen milatariga Koonfur Kuuriya oo deris la ah Waqooyiga Kuuriya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in gantalkaa saakay oo Khamiis ah laga riday meel u dhow magaalada Wanson, lagana riday markab oogadiis.

Gantaalada ayaa jaray masaafo dhan 200km kahor inta aysan ku dhicin biyaha.

Khuburada ayaa ka cabsi qabta in tijaabadu ay muujinayso horumar ku saabsan in Waqooyiga Kuuriya ay yeelan rabto gantaalada qaada madaxyada hubka wax gumaada ee nukleerka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*