Ugu yaraan sideed qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan sideed qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho . [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho galabta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan laamaha ammaanka iyo caafimaadka.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ku qarxay isgoyska KM-4 oo kuyaala bartamaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu u muuqday in lagu bartilmaameedsado huteel kuyaala aaga.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka. Waxaana jira baqdin ah in ay kororto tirada dhimashada.

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu cuslaa oo ka dhaca Muqdisho intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay masuuliyada qaraxa, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaada weerarada argagaxa leh ee gudaha Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*