Madaxweynaha Puntland oo bulshada ka codsaday in ay ka qeybgalaan hanaanka dimuqraadiyaynta

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo bulshada la hadlaya, Garoowe, June 2, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa dadweynaha gaar ahaan dhalinyarada ka codsaday in ay ka qeybgalaan hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland.

Isaga oo la hadlayay bulshada fiidnimadii Isniinta, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay ka go’antahay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan gudaha Puntland.

“Dabcan xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaan iyo dowlad ahaan waa naga go’antahay nidaamka dimuqraadiga ah in aan horey u marino,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in xisbiga Dowladda oo la dhaho Kaah uu xafiisyo ka furtay inta badan gobolada Puntland.

Nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland ayaa bilihii u dambeeyay si dar-dar leh u socday, iyadoo 17 urur siyaasadeed ay ka soo gudbeen shuruudaha kowaad. Hanaanka ayaa waxaa hakiyay cudurka coronavirus kadib markii ilaa 2 bilood dib loo dhigay soo dhammeystirka shuruudaha labaad ee urur siyaasadeedyada oo hadda ku eg 22-ka bishan June.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*