Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. [Facebook: Puntland State House]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka oo shir guddoominayo Raysulwasaare Maxamed Xusenn Roobel ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga wada-xaajoon doono ayaa ah dardagelinta doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa taageero weyn u muujisay qabsoomida kulankan oo qeyb ka ah hanaanka doorashada oo uu hoggaaminayo raysulwasaaruhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*