Abdul Shakoor Quddusi, oo ah guddoomiyaha degmada Bagram, ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen 13 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, kaasoo ka dhacay meel u dhow meesha cunada subaxnimadii hore ee Sabtida.
Bayaan ay soo –saareen, NATO ayay ku dhaheen: “Waxaanu cadaynaynaa in qarax uu ka dhacay saldhiga Bagram saakay. Waxaa jira khasaare ka dhashay. Ciidamadayada difaaca iyo kooxda caafimaadka ayaa ka jawaabaya xaalada.”
Kooxda Taalibaan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.
Saldhiga diyaaradaha Bagram, ayaa ku dhow caasimada Afkaanistaan ee Kabul, saldhiga ayaa mar walba bartimaameed u ah dagaalyahanada Taalibaan.
Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2015-ka, nin naftiis halige ah oo watay mooto ayaa qarax ku diley lix askari oo Mareykan ah meel u dhow saldhiga ugu weyn Mareykanka ee gudaha dalka Afkaanistaan.
Jimacadii shalay, gaari uu watay qof isa-soo-biimeeyay ayaa qarax la beegsaday safaarada Jarmalka ee ku taala magaalada Mazar-i-Sharif, dalka Afkaanistaan, ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay 120 kalena waa ay ku dhaawacmeen.