Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlay qaabka ay u socdaan howlaha doorashooyinka 2016

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya. Xuquuqda Sawirka: Hiran Online.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo maanta oo Jimce ah shir jaraa’id ku qabtay caasimada Soomaaliya ayaa ka waramay halka ay marayaan qorshaha doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadkan dabayaaqadiisa.

Guddoomiyaha guddiga Cumar Maxamed Cabdulle oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in qorshe howleedka doorashooyinka ay marayaan meel fiican, isagoo intaas ku daray in guddiga doorashooyinka ay u qabsoomeen howlo badan sidoo kalena shaqadu ay ku socoto sidii loogu talagalay.

Guddoomiye Cumar ayaa xusay in bartamihii bishaan Agoosto ay Muqdisho kusoo gaba-gabeeyeen kulan xog-wadaag ah oo u dhaxeeyay guddiga doorashooyinka heer federal iyo kuwa maamul goboleedyada oo ay kamidyihiin, Puntland, Somaliland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambayna guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga uu bilaabay in madax-dhaqameedyada uu u qabto wacyi-gelin ku saabsan qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada dowlada federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa bilowgii bishaan Agoosto iclaamiyay wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*