Puntland oo sheegtay in ay si buuxda ugu diyaargarowday shirka maalgashiga

Shirka golaha wasiirada ee Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ay si buuxda ugu diyaargarowday martigelinta shirka maalgashiga kaasoo ka furmi doona caasimada Garoowe asbuuca soo socda.

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ayaa ayaa shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiirada ka sheegtay in diyaargarow fiican laga sameeyay dhinacyada amniga, casumaada, habmaamuuska iyo soo dhaweynta martida ka qeybgalaysa shirka.

Waxay sheegtay in hadafka shirka uu yahay in caalamka loo soo bandhigo fursadaha maalgashiga ee ka jira deegaanada Puntland.

“Shirka maalgashiga ayaa ujeedkiisu yahay in addunka loo soo bandhigo fursadaha maalgashiga ee ka jira Puntland. Waxaana ka qeybgalaya madaxda shirkado maalgashi oo Puntland u imaanaya si ay u arkaan fursadaha halkan ka jira.” Sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiirada Puntland maanta oo Khamiis ah.

Shirka ayaa 15-ka bishaan September ka furmi doona Garoowe waxaana qorshuhu yahay in uu socdo muddo saddex beri ah.

Bishii Maarso ee sanadkan 2019, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shir weyne ku saabsan maalgashiga lagu qaban doono Puntland xagaaga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*