Madaxweyne Deni oo sheegay in shir weyne ku saabsan maalgashiga lagu qaban doono Puntland xagaaga soo socda

Madaxweyne Deni oo Sabtidii kahadlayay munaasabada xarig ka jarkakeydka haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa qaban doonta shir weyne ku saabsan maalgashiga xagaaga soo socda, sida uu sheegay madaxweynuhu.

Isaga oo Sabtidii kahadlayay munaasabada xarig ka jarka keydka haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha Garoowe, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xagaaga soo socda ay u qorsheysantahay in la qabto shir weyne ku saabsan maalgashiga.

“Waxaan xagaagga soo socda sameyn doonaa shir weyn oo looga hadlayo maalgashiga oo aan rabno in aan ku soo bandhigno shuruucaha iyo waxyaabaha aan isla neenahay waa fursado ka banaan maalgashiga,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo cidii kale oo daneynaysa dalkuu rabo ha u dhashee waxaan rabaa in aan si gacmo furan oo fudud ugu soo dhaweyno weliba aysan caqabadaad la kulmin.” Ayuu ku sii daray.

Deni oo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 loo doortay madaxweynaha Puntland ayaa xilligii ololihiisa balanqaaday in uu kor u qaadi doono dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland.

Puntland oo la asaasay sanadkii 1998, muddo sannooyin ahna ku laaloonaysay amni iyo xasilooni marka la barbardhigo koonfurta Soomaaliya, ayaan weli soo jiidan maalgashadayaal caalami ah oo gobolka maalgelin ka sameeya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*