Wadahadaladii nabada Mudug ee u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug- War-saxaafadeed

Sawirka; (Midig) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. (Bidix) Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wadahadaladii nabada Mudug ee u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa war-saxaafadeed laga soo sooraay maanta oo Jimce ah.

[box type=”download”]War-saxaafadeedka hoos ka akhriso.[/box]

Kadib shir muddo 5 barri ah uga socday maamulada Galmudug iyo Puntland magaalada Gaalkacyo, loogana hadlayay sidii loo xailin lahaa xaalada colaadeed ee ka jira deegaanada dhul daaqsimeedka baadiyaha iyo waliba in xal loo helo dhibbaatooyinka ka dhashay dagaaladii horey magaalada uga dhacay.

Waxaana lagu heshiiyay qodobada soo socda:

  1. In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah,lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda,si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray,lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.
  2. Waxaa lugu baaqay,laguna heshiiyay in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.
  3. Waxaa laysku afgartay in muddo 90 cisho gudahood ah lugu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lugu xalinayo dhamaan khilaafaadka gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.
  4. In labada maamul ay si dhameystiran uhirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horreeyayba.
  5. In la furo waddooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.
  6. In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo billaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.
  7. In culuma’udiinka, ganacsatada iyo jaaliyadaha gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqeynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.
  8. Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.
  9. In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lugu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.
  10. In fidno wade loo aqoonsado, melena looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Galmudug iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*