Dhammaan lix qof oo saarnaa oo ku dhintay diyaarad qalab caafimaad siday oo ku burburday gobolka Bay

Burburka diyaarada. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarad siday qalab caafimaad ayaa ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Bay galabta oo Isniin ah, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof oo saarnaa.

Diyaarada ayaa ka kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo ay ka qaaday qalab loogu talogalay la tacaalida xanuunka COVID-19, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Labbo kamid ah lixda qof ee saarnaa diyaarada ayaa ahaa Soomaali.

Ma cada weli sababta keentay burburka diyaarada, oo ay lahayd African Express, oo ah shirkad duulimaad oo fadhigeedu yahay dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*