Puntland oo ku dhawaaqday liiska u tartamayaasha aqalka sare ee dowlada federaalka Soomaaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa caawa oo Sabti ah ku dhawaaqday liiska xubnaha aqalka sare ee u matalaya dowlada federaalka Soomaaliya.

Xubnaha oo ka kooban 11 xubnood  ayaa waxaa la tartamaya 11 xubood oo kale.

Liiska tartamaayasha

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaa la tartamaya Aamino Aadan Cabdulaahi.

  2. Yaasiin Cabdi Seed, waxaa la tartamaya Saynab Xaashi Biixi.

  3. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), waxaa la tartamaya Cabdimahdi Abshir Cismaan.

  4. Siciido Xasan Cismaan, waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Cabdile (Tigaana), Siciid Maxamuud Aadan iyo Maxamed Maxamuud Cali Bile.

  5. Hodan Maxamuud Cismaan, waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Maxamuud, Caydiid Saleebaan Xaashi iyo Axmed Maxamed Faarax.

  6. Cabdirisaaq Cismaan Xaashi (Jurile), waxaa la tartamaya Hodan Ismaaciil Cilmi.

  7. Maxamuud Axmed Maxamed, waxaa la tartamaya Faadumo Siciid Maxamed.

  8. Mahad Cabdalla Cawad, waxaa la tartamaya, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Maxamuud Cali Siciid.

  9. Cabdixakiin Axmed Xaashi, waxaa la tartamaya, Mahad Daahir Shiikh Nuur iyo Cabdikhadar Faarax Shaaciye.

  10. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, waxaa la tartamaya Shukri Cabdilaahi Maxamuud iyo Faarax Cali Xuseen.

  11. Cabdisalaam Xaaji Maxamed Dheere, waxaa la tartamaya Siciid Maxamed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac.

Hoos ka dhagayso afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel)  oo ku dhawaaqaya magacyada xubhana.

 

22-ka xubnood ayaa la filayaa in ay dhawaan hortagaan baarlamaanka Puntland si ay u kala saaraan oo ay u doortaan 11-ka xubnood ee Puntland u matali doona aqalka sare ee faderaalka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*