Ciidamada badda Puntland oo qabtay markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Puntland

Shaqaalaha markabka la socday oo ay gacanta ay ku dhigeen PMPF. [Isha Sawirka: PMPF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa qabtay markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Puntland.

Ciidanka badda ayaa markabka ku qabtay xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiisha PMPF.

PMPF ma aysan sheegin cida iska leh markabka, balse wadamo badan oo ay ku jiraan Yemen, Thailand iyo Iran ayaa biyaha Soomaaliya muddo badan sharci darro uga kalluumeysanayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*