Midowga Yurub oo xeebaha Soomaaliya kasii ilaalin doona burcad-badeeda ilaa iyo dhammaadka 2018

Diyaarad ay leeyihiin Faransiiska oo dul heehaabaysa dooni looga shakiyay burcad-badeed. [Sawirka: AFP]
Diyaarad ay leeyihiin Faransiiska oo dul heehaabaysa dooni looga shakiyay burcad-badeed. [Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Midowga Yurub ayaa xeebaha Soomaaliya ka sii ilaalin doona burcad-badeeda labo sanno oo kale, sida ay sheegeen maanta oo Isniin ah.

NATO ayaa sheegtay asbuucii hore in ay dhammaysay howlgalkeedii Geeska Afrika iyaga oo u wareegay Badda Madow si ay uga hortagaan Ruushka iyo badda Mediterranean oo ay kusoo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee halkaas ka gudbaya.

Laakiin Midowga Yurub ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgalka EUNAVFOR ilaa iyo dabayaaqada sanadka 2018-ka.

Howlgalka oo ku ekaa dhammaadka 2016-ka, ayaa waxaa sida caadiga ah ka shaqeeya 1,200 qof, afar ilaa iyo lix Markab oo dagaal iyo saddex diyaaradood oo ay ku deeqeen dowladaha Midowga Yurub.

In ka badan 40 boqolkiiba maraakiibta qaada shidaalka iyo maraakiibta wada badeecada ee isaga kala goosha qaaradaha Aasiya iyo Yurub ayaa mara Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta.

Xeebaha Soomaaliya lagama sheegin wax weerar oo weyn oo lagu qaaday maraakiibta waa-weyn tan iyo 2012-kii, taasoo ay mahadeeda leeyihiin ciidamada la dagaalanka burcad-badeeda ajnabiga ah ee jooga xeebaha Soomaaliya iyo ciidamada badda Puntland oo kaalin weyn ka geystay burcadii ka howlgali jirtay gacanka cadmeed oo ay kala dirireen dhanka beriga.

Inkastoo ilaa 2012-kii aan la diiwaangelin wax weerar ah oo ay burcad-badeeda u geysteen maraakiibta xamuulka ah, haddana waxaa jira dhowr weerar oo ay la beegsadeen doomo kalluumaysi iyadoo hadda ay madaxfurasho u haystaan 10 Iraaniyiin ah oo ay qabsadeen 2015-kii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*