Sarkaal katirsan haayada nabadsugida DFS oo ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Mid kamid ah saraakiisha ciidamada nabadsugida dowlada federaalka Soomaaliyan ayaa maanta oo Arbaco ah lagu dilay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.

Cali Gaashaanle oo ah taliyaha ciidamada aamaanka ee degmada Cabdicasiis ayaa wakaalada wararka dowlada federaalka Soomaaliya ee Sonna u sheegay in sarkaalka dhintay gaarigiisa loogu xiray qarax.

Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Shuuriye, sida ay tabiyeen warbaahinta maxaliga.

Ma jirto cid si dhaqso u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda Al-Shabaab ayaa horey kan mid lamid u qaaday.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*