Duqa Muqdisho oo dhul banaan ku wareejiyay ciidamadda Soomaaliya oo uu Turkigu ka dhisi doono xarun tababar

Duqa Muqdisho oo dhul banaan ku wareejiyay ciidamadda Soomaaliya oo uu Turkigu ka dhisi doono xarun tababar. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntand Mirror) Dhul banaan oo kuyaala deegaanka Jazeera ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay ciidamadda Soomaaliya oo uu Turkigu uga dhisi doono xarun tababar, sida uu sheegay duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa sheegay: “Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro Ciidanka, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.”

Yariisow ayaa intaas ku daray in dhulka qeybtiis ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isla garteen in dhul kale loogu bedelo.

“Waxaan ka wada hadalnay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono.” Ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*