Ciidamada booliiska Puntland oo howlgal amni ka bilaabay gudaha magaalada Boosaaso

Ciidamada Puntland. [Sawir Hore.]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Puntland ayaa Khamiistii howlgal amni ka bilaabay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari, sida uu sheegay masuul.

Taliyaha ciiamada booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Boosaaso ka sheegay in howlgalka ujeedadiisu tahay sidii loo bartilmaameedsan lahaa argagixisada ku sugan maagalada.

Howlgalka ayaa yimid maalmo yar kadib markii nin hubeysan uu toogasho ku dilay Paul Anthony Fermosa, oo u dhashay Malta, kaasoo ahaa maamulaha DP World u qaabilsanaa dekada Boosaaso. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyadu ka dambayso dilka.

Isaga oo kula hadlayay wariyeyaasha gudaha magaalada Garoowe weerarka kadib, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku maray in ay ciqaab la kulmi doonaan cid walba oo ku lug lahayd dhacdada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*