Marti sharaf ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe u yimid ka qeybgalka caleemo-saarka madaxweynaha Puntland

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo Garoowe ku soo dhaweynaya guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Marti sharaf ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah timid magaalada Garoowe si ay uga qeybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Masuuliyiinta timid ayaa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo si lamid ah xubno ka socda ururada bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin ayaa sidoo kale la filayaa in ay yimaadaan Garoowe si ay uga qeybgalaan munaasabada caleemo-saarka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan la doortay ayaa 26-ka Janaayo la caleemo-saari doonaa.

Ammaanka magaalada Garoowe, caasimada Puntland, ayaa aad loo adkeeyay, sida ay sheegeen saraakiisha haayadaha amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*