Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo yeeshay wadahadal taariikhi ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo gacan qaadaya hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un huteel Capella Hotel oo kuyaala jasiirada Sentosa island ee dala Singapore June 12, 2018. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Singapore-(Puntland Mirror) Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo xafiiska fadhiya iyo hoggaamiyihii Waqooyiga Kuuriya ah oo kulma kadib muddo sanad ah oo ay is-dhaafsanayeen hanjabaadyo.

Labada masuul ayaa isku gacan qaaday huteel casri ah oo kuyaala dalka Singapore kahor inta uusan dhicin wadahadalka tooska ah.

Labada masuul ayaa saxiixay “heshiis buuxa”, oo balanqaadaya xiriir wanaagsan oo dhexmara labada dal.

Waxay ka wada-xaajoodeen xalinta xiisada iyo dhimista hubka ka nukliyeerka.

Heshiiska ayaa waajibinaya in Waqooyiga Kuuriya ay ka shaqeyso in a ay hubka nukliyeerka ah ka saarto Gacanka Kuuriya iyo xiriir cusub oo u dhaxeeya Washington iyo Pyongyang.

“Waxaan u maleynayaa in labada dhinacba ay ku qanceen natiijada,” Trump ayaa sidaa ka sheegay munaasanadii heshiis saxiixa.

Dhankiisa Kim Jong-un ayaa yiri: “Waxaanu go’aansanay in aan ka tagno wixii lasoo dhaafay, adduunku waxa uu arki doonaa isbadal weyn.”

Faahfaahin dheeri ah ayaa lagu sheegi doonaa shir saxaafadeed ay wada qaban doonaan labada hoggaamiye mar dhow.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*