Maxkamada sare ee Kenya oo qaadacday natiijadii doorashada madaxtinimada Kenya

Maxkamada sare ee Kenya oo qaadacday natiijadii doorashada madaxtinimada Kenya. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Nairobi-(Puntland Mirror) Maxkamada sare ee Kenya ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in guddiga doorashooyinka ay sameeyeen “sharci daro iyo khaladaad” intii lagu guda jiray doorashadii bishii hore ee madaxweynenimada, taasoo waxyeelaysa kasloonidii doorashadii madaxweyne Uuru Kenyatta ee muddo shan sanno ah oo kale.

Afar ka kamid ah lixda garsoore ayaa sheegay in cod bixinta ay hareeyeen khaladaad.

Maxkamada sare ayaa sheegtay in doorasho cusub lagu qaban doono 60 maalmood gudahood. 

Bishii hore, guddiga doorashooyinka Kenya ayaa iclaamiyay in madaxweynaha hadda jooga Uhuru Kenyara uu ku guuleystay doorashada.

Balse hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku dooday in hanaanka tiknoolajiyada guddiga doorashada la xaday lana badalay natiijada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*