Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay golaha wasiiradda cusub

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Puntland ayaa manta oo Sabti ah meelmariyay golaha wasiiradda cusub oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

63 xildhibaan oo kulanka fadhiyay, ayaa ogolaaday in la meelmariyo golaha wasiiradda.

Asbuucii lasoo dhaafay, Deni ayaa ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiiradda.  Golaha cusub ee wasiiradda ayaa ka kooban 18 Wasiir,  21 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru-dowle, taasoo ka dhigaysa wadarta guud gole  dhan 48 xubnood. 

Falaanqeeyaasha siyasadda ayaa walaac ka muujiyay shakhsiyaadka uu madaxweynuhu u soo magaacabay jagooyinka sare sare ee muhiimka ah sida Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Qorshaynta, Aminga iyo Deegaanka. 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*