Afrika oo yeelatay baasaboor cusub

Africa passport
Madaxweynayaasha Rwanda iyo Chad oo noqday labadii qof ee ugu horeeyay oo la siiyo baasaboorka. Sawirka: Xinhua.

Kigali-(Puntland Mirror) Afrika ayaa maanta bilowday baasaboor cusub oo ka dhaxeeya qaarada oo dhan, kaasoo la siin doono dhamaan dadka u dhashay qaarada Afrika marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Baasaboorka oo ay maamulayso Midowga Afrika ayaa waxaa lagu bilaabay siintiisa Madaxweynaha dalka Chad ahna madaxa Midowga Afrika Idris Debi iyo Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo martigelinaya shirka.

Waxaa la filayaa in loo wada qaybin doono dhamaan madaxda Afrikaanka ah oo shirka ka qayb galaya.

Midowga Afrika ayaa sheegay ujeedada ugu weyn ee baasaboorka loo sameeyay inuu yahay fududaynta dhaqdhaqaaqa dadka, badeecooyinka iyo adeegyada kale ee qaarada.

Shir madaxeedka 27-aad ee hoggaamiyaasha Afrika ayaa maanta si rasmiya uga furmay caasimada Rwanda ee Kigali.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*