Labo kamid ah ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo isku soo dhiibay Puntland

ciidamo
Labada askari ee ciidamada dowlada Soomaaliya oo isku soo dhiibay Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo kamid ah waxa loogu yeero ciidamada qaranka Soomaaliya kuwaasoo ka qaybgalay dagaalkii uu dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo, ayaa hubkoodii dhigay waxayna isku soo dhiibeen dowlada Puntland, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Puntland.

Isku soo dhiibida ayaa ka dhacday galabnimadii Arbacada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shalay ayay ahayd markii Puntland ay soo saartay bayaan, ay ku eedaynayso dowlada federaalka Soomaaliya ciidamadeedu in ay taageerayaan maleeshiyada Galmudug ayna qalab militari gaarsiiyeen maamulka Galmudug.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug.

 

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*