Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniinta qorshuhu yahay in uu ka dego magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Kulan ka dhacay Garoowe asbuucii lasoo dhaafay oo u dhaxeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa isku raacay in shir wadatashi ah lagu qabto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loo gaaro xal siyaasadeed oo laysku waafaqsanyahay ee qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-2021.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna la filayaa in uu tago Muqdisho. Wefdiyo hor dhac oo ka socda Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay Sabtidii gaareen Muqdisho.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Deni uu Muqdisho tago tan iyo markii xafiiska uu qabtay bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*