32 kiis oo cusub oo coronavirus ah oo laga helay gudaha Muqdisho

Baarista Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) 32 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay gudaha Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay war-saxaafadeed ku sheegtay fiidnimadii Isniinta.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 52 qof oo kamid ah dadka xanuunka laga helay ay ku suganyihiin xaalad caafimaad oo waanagsan ayna ku karantiilanyihiin guryahooda.

Maanta oo Talaado ah, tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay gudaha Soomaaliya ayaa ah 60 qof, sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo haayada WHO.

Labo qof ayaa u dhimatay xanuunka, halka labo kalena ay ka bogsadeen, sida ay sheegtay.Wasaaradda Caafimaadka.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in labo qof oo looga shakiyay coronavirus la geeyay xarumaha karantiilka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*